Siihayaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed dalka oo la kulmay safiirka Sweden

Siihayaha ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya ,Mr Staffan Tillander.

Kullanka dhexmaray labada mas,uul ayaa waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka joogtada ah ee ka dhexeeya labada dal,waxa ayna sheegeen in labada dhinac ay ka go’antahay in ay xoojinayaan calaaqaadka ka dhexeeya labada dowladood.

Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka ayaa kaga mahad celiyaya dowladda Sweden taageerada iyo garab istaaga ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email