Shirkii madaxweyne Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo baaqday iyo sababta

Xalay ayaa qorshuhu ahaa in xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia uu kulan gaar ah uga furmo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo maalin ka hor soo gaaray Muqdisho, hayeeshee xaalka ma uusan noqon sidii lagu talagalay oo waxaa baaqday kulankii lagu ballansanaa.

Warar aan soo gaarag Xorriya Online ayaa sheegaya in sababaha kulanka uu u baaqday ay kamid tahay tabasho uu maamulka Jubbaland iyo shuruudo ay ku xireen, sida in ajandayaasha shirka lagu soo daro arrimaha gobolka Gedo oo dowladda ay geysay  ciidamo farabadan  iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa arrintaan la qaatay soo jeedinta iyo codsiga ka yimid Axmed Madoobe.

Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada ayaa shalay gelinkii dambe shaaciyay in kulanka madaxwyene Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland uu furmi doono, diiraddana lagu saari doono arrimaha doorashooyinka, balse waxeey wax walba is bedeleen markii Jubbaland la timid shardiga.

Lama ogo in arrinkaan ay fashil iyo kala tag ku keeni doonto kulanka lagu ballansan yahay iyo in xal laga gaari doono.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaan ka qeyb gelin shirkii Dhuusamareeb 3 oo go’aan looga gaaray nooca ay noqoneyso doorashada soo socto, hayeeshee cadaadis uga yimid beesha caalamka ay ku yimaadeen Muqdisho.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email