Shirka dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo Muqdisho ka furmaya

Waxaa Maanta si rasmi ah Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho uga furmay Shirkii u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirka waxaa uu daba socdaa Shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana looga hadlayaa dhameystirka Hanaanka Doorashooyinka Qaranka.

Shirka Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer oo hore baaqday sababo la xiriira khilaaf u dhaxeeyay Madaxtooyada iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Inta uu shirka socdo ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa Arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, si go’aan rasmi ah looga gaaro lana qabto doorasho la isku raacsan yahay maadaama muddo xileedka Hay’adaha dowladda uu dhamaad yahay.

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa kulanka kor kala socda, waxaana jirtay in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay cadaadis ku saareen inay Muqdisho u yimaadaan shirkaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email