Shirk qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada uga furmay Baydhabo

Shirk qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada uga furmay Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed waxaa shir wadatashi ah uu uga furmay madaxweynayaasha Maamulada, Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadlayaan arrimo dhowr ah iyo sidii ay mowqif mideysan ay ula tegi lahaayeen kulanka uu beri ku marti qaaday Madxweyne farmaajo Madaxda Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Madaxda Saddexda Maamul lagu xanto inay wada shaqeyn la leeyihiin Madaxda Dowladda, hayeeshee arrintaasi ay aad ugu faraxsan yihiin.

Waxaa uu ku duray Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo sheegay in iyada oo ra’iisul Wasaare la Magacabin aysan meelna tegin,hayeeshee ay yimaadeen Magaalada muqdisho,waxaana uu ugu baaqay inay qorsho cad la yimaadaan.

Geba-gabada Shirka u dhaxeeya Madaxda Dowlad Goboleedyada,, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay War murtiyeed kasoo saaraan shirkooda,isla markaana ay soo gaaran Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shir uu ku casuumay Madaxweyne Farmaajo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email