Shiinaha oo eedeen dusha kaga tuuray Hindiya

Shiinaha oo eedeen dusha kaga tuuray Hindiya

Dowladda Shiinaha ayaa dhigeeda Hindiya ku eedeysey in ay masuul ka tahay dhammaan khilaafyada u dhexeeya labada dal, sida ay ku warmayaan warbaahinta dalkaas oo soo xiganeysa afhayeenka u hadlay militeriga Shiinaha.

Shiinaha ayaa waxaa uu sheegay in hadii Hindiya ay joojin weyso gardarada ay xuduuda ka wado mas’uuliyadda wixii halkaasi ka dhaca ay qaadi donto Delhi.

45-Sanno kadib waxaa burburay  heshiis u dhexeeyay labada dal, waxaana hadda mar kale sii kordhaya xiisada dhinaca militeriga ah ee ka aloonsan buurta Himalayas.

Labadaan dal waa kuwa dunida ugu dadka badan, waxaana ka dhexeeya masaalix badan oo dhinaca dhaqaalaha ah, waxayna heshiiskii u dambeeyay gaareen sanadkii 1996-kii, waxuuna heshiiskaasi ahaa in haddii xitaa dagaal dhaco loo isticmaalin waxyaabaha qarxa.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email