Alshabaab oo xalay weerar ku qaaday degmada Balcad iyo wararkii ugu dambeeyey

Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay degmadaasi ay weerar ku qaadeen Al-Shabaab.

Dad ku sugan Balcad ayaa xaqiijiyey in dagaal culus ay Shabaab degmada kusoo qaadeen, islamarkaana saacado kooban ay la wareegeen gacan ku heynta afar Xaafadood oo ka mid ah kuwa degmada.

Waxaa jira dad rayid ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay dagaalka, oo ay ka mid aheyd haweenay dhaawac culus uu gaaray.

Sidokale Wararka ayaa intaasi ku daraya in Al-Shabaab ay saldhiga degmada Balcad kasii daayeen maxaabiis gaaray tobanaan oo eedeymo kala duwan ugu xirnaa halkaas.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegatay inay gacanta ku dhigeen xarunta maamulka degmada Balcad, saldhigga Booliska, xabsiga dhexe iyo dhammaan koontaroollada lagasoo galo magaalada.

Ciidanka dowladda ayaa saaka dib ula wareegay magaalada ka dib markii ay ka baxeen Al-Shabaabkii xalay weerarka kusoo qaaday.

Degmada Balcad oo 30 Km dhanka waqooyi ka xigta magaalada Muqdisho ayaa dhawaanahaan bartilmeed u ahayd Al-Shabaab oo ku soo qaaday weeraro kala duwan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email