Ra’iisul wasaare Rooble oo sheegay inuu soo dhisi doona Xukumada tayo leh

Ra’iisul wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukumadda tayo leh oo awood uleh dar dar gelinta howlaha horyaala dowlada.

“Waxaan soo dhisi doonaan xukumadda tayo leh oo ka shaqeyn doonto howlaha hortabinta leh ee hortaayala xukumadda si aan ugaarno howlaha waa weyn oo ayn inanga sugayaan shacabka Soomaaliyeed .

Dhanka kale, ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen rooble ayaa shaaciyay in uu soo magacaabi doono khabiir sharci oo baaris iyo dabagal ku sameeya tacadiyada jinsiga (kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, isagoo kaashanaya hay’adaha caddaaladda dalka.

“Waxaan soo magacaabi doonaa khabiir sharci oo gaar ah oo xil weyn iska saara baarista iyo la dagaalanka tacadiyada Jinsiga (Kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, si uu ugala shaqeeyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaanu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo ku habboon oo lagula dagaallamo fal dambiyeedyada noocaas ah.

Ra’isul wasaare Roobke ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad uu maanta xilka kula wareegay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email