Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta la wareegaya xilkiisa iyo cida ku wareejinayso?

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in maanta uu la wareego xilkiisa oo loo dhaariyey dabayaaqadii todobaadkii hore, kadib markii uu helay kalsoonida baarlamaanka.

Waxaa su’aalo badan la iska weydiinaya cida sharci ahaan ku wareejiso xilka ra’iisul wasaare Rooble.

ku simaha wasiirka dhalinyarada Soomaaliya Khadiija Diiriye ayaa sheegtay in ku sime Mahdi Maxamed Guuleed uu maanta xilka ku wareejinayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Khadiija Diiriye ayaa ka mid ah gudi uu dhawaan Mahdi Guuleed u magacaabay qaban qaabada munaasabadda xil ku wareejinta ra’iisul wasaaraha cusub.

Dhanka kale ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu u diray ra’iisul wasaare Rooble, isla markaana uu ogeysiiyey madaxweyne Farmaajo, guddoonka labada aqal ee baarlamanka, guddoonka maxkamadda sare, ku simaha ra’iisul wasaaraha iyo hanti dhowraha qaranka, ayuu ugu sheegay inuu diyaar u yahay in si waafaqsan sharuucda dalka iyo nidaamka dowladnimo uu ugu wareejiyo xilka, isla markaana uu la wadaago dikumiintiyo iyo warbixin qaran.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email