Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay gudi hoosaadka horumarinta dhaqaalaha dalka

Ra’iisul Wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Gudi hosaadka horumarinta dhaqaalaha ayaa ku sheegay muhiimadda deyn cafintu u leedahay dowladnimada iyo dib u dhiska dalkeenna.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dar dargelin lahaa hanaanka loo marayo deyn cafinta Soomaaliya, iyadoo ku simaha wasiirka maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu ka sheekeyay guulaha arintaasi laga gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dowlada ay xooga saareyso muhiimadda deyn cafintu ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email