Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka

Ra’isul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ra’iisul wasaarha kala wareegay ku simaha xilka ra’isul wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Munaasabada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Cabdiwali Ibaraahim Sheekh Muudey iyo xubno ka tirsan guddiga qaban qaabada diyaarinta xaflada xil wareejinta.

Ugu dambeeyntii madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 17 bishaan u magacaabay xilka ra’isul wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo dhawaan ay ansixiyeen golaha shacab Soomaaliya