Ra’iisul wasaare dalka oo kulankii u horeeyey la yeeshay taliyeyaasha ciidamada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlay arrimaha amniga la qaatay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo laamaha amniga gobolka Banaadir.

Ra’iisul wasaaraha ayaa laamaha amniga la wadaagay qorsheyaasha xukuumadiisa ee lagu dardar gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib uhabeynta ciidamada iyo dagaalanka Alshabaab.

Waa kulankii ugu horreeyay ee ra’iisul wasaaraha Rooble uu la qaatay laamaha amniga dowladda Soomaaliya, kadib markii uu todobaadkan xilkiisa la wareegay.

Gaba gabadii wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Cabdullahi Sheekh Xaamud ayaa akhriyey warbixin ku saabsan waxyaabihii looga hadlay kulankaas.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email