Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo baarlamaanka ka codsaday ansixinta xukuumadda uu soo dhiso

Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa golaha shacabka uga mahadceliyay codka kalsoonida ay siiyeen, isagoona ka codsday in xukumada uu soo dhisi doono codka kalsoonida la siiyo.

Dhanka kale, waxa uu u mahadceliyay madaxweynaha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaayo ee horaan soo xushay.

Waxuu sheegay in xukuumadda uu soo dhisi doono ka turjumi doonto mar xaladda adag uu dalka ku sugan yahay, ayna noqondoonto xukuumadda tayo leh taas oo dalka gaarsiin doonto doorasho waqtigeeda ku dhacdo oo xor iyo xalaal ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email