Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xidhibaanada golaha shacabka oo shir ku yeeshay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula yeeshay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Somalia.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdi Raxmaan iyo gudddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Cabdi Weli Ibraahim Muudey  

Kulanka ayaa ahaa mid loogu mahad celinaayay xidhibaanada golaha shacab kaalntii ay ka qaateen ansixintii ra’iisul wasaare Rooble. Iyadoo sidokale diirada lagu saaray sida ay u wada shaqeyn karaan xukuumada uu soo magacaabi doono iyo xildhibaanada golaha shacabka ah.

“Waxaan xalay Kulan miro dhal ah la qaatay guddoomiyaha iyo gudddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka” ayuu yiri ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Somalia.

Xidhibaanada golaha shacabka ayaa ra’iisul wasaare Rooble waxaa ay ugu hambalyeeyeen xilka loo magacaabay , iyadoo uu ka codsaday inay la shaqeeyaan si wax uga qabto amiga iyo doorashooyinka la filaayo inay dalka ka dhacdo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email