Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya oo maanta hortagayo Golaha Shacabka

Golaha shacabka baarlamaanka fedreraalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa la filaa in la horgeeyo ra’iisul wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka maanta ayaa diirada lagu saari doonaa u codeynta kalsooni siinta ra’iisul wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble, iyagoona qorsha ay ka mid tahay khudba jeenid madaxweyhana dowlada fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyen farmaajo ayaa la filaa in kulankan uu ka jeediyo khudbad dheer, isaga oo sidoo kale golaha shacabka ka codsan doona inay codka kalsoonida siiyaan ra’iisul wasaaraha.

Ugu dambeeyntii hadii maanta codka kalsoonida la siiyo ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa la rajeeyna inuu soo dhiso xukuumad dar dar galiso doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email