Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo ka codsaday Golaha shacabka inay siiyaan codka kalsoonida

Ra’iisul wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka codsaday golaha shacabka inay siiyaan codka kalsoonida, isgoona sheegay in u aqbalay xilka uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay.

“Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya”

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan golaha shacabka ee Jamhuuriyada Soomaaliya, isagoo ka rajeeyay in ay siin doonaan si uu u guto waajibaadka iyo mas’uuliyadda saaran.

“Sidaas daraadeed, waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga”

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email