Ra’iisul wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Kusimaha Ra’iisul wasaaraha iyo xidhibaano

Ra’iisul wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ku simaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed, qaar kamid ah golaha wasiiradda iyo xubno kamid ah labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ahaa kulan isbarasho, waxaa ra’iisul wasaare Rooble magacaabistiisa ugu hambalyeeyay xubnaha kulanka ka soo qeyb galay, iyagoona u balan qaaday in ay kala shaqayn doonaan sidii uu u gudan lahaa howlaha adag ee horyaala hadii la ansixiyo.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu wadaa in uu maalinka berito hortago golaha shacabka si loo ansixiyo, isagoona soo dhisi doonaa xukumad cusub.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email