Qoor Qoor “Aqalka Sare mudo xileedkiisa labaad waa khasab in G/Banaadir uu metelaad ku yeeshaa”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ay la socdaan xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo golaha wasiirada Galmudug ayaa maanta gaaray xarunta Aqalka Sare ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Senataro ka tirsan Aqalka Sare ayaa wafdigan ku soo dhoweeyay xarunta Aqalka Sare.

Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay wehliyaan Guddomiye Ku xigeenada 1aad iyo 2aad ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmad Cabdi Kaariye (Qoor qoor) oo xarunta aqalka sare gaaray maanta.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare ka hor-jeediyey warbixin ku saabsan xaalada siyaasada ee dalka iyo tan Galmudug iyo shirarka ka socda magaalada Muqdisho ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Waxaan rabaa inaan is dul taago arinta Gobalka Banaadir, Mudane Guddoomiye waxaan rabaa Aqalka Sare muddo xileedkiisa 2aad in uu metelaad ku yeesho Gobalka Banaadir, waa magaalo ama bulsho duruuf waliba oo dowlad leedahay si gaar ah ugu dhacdo, waan ku kalsoonahay inaad dadaalkiina ku biirin doontaan, Madaxweynuhuna dadaal iska saari doono,” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email