Qaraxyo waawayn oo ka dhacay Abu Dhabi iyo qasaaro badan oo ka dhashay ‘sawirro’

Qaraxaasi ayaa la sheegay in uu ka dhashay Haanta Gaaska cuntada lagu karsado, wuxuuna qaraxu dhibaato gaarsiiyey Dhismaha Hoose ee 4-ta Dabaq ee uu Baarku ku yaallay.

Ciiddanka Dab-damiska ayaa la sheegay in ay ku guuleysteen daminta dabkaasi muddo 33-daqiiqo gudahooda.

Ninka ku geeriyooday Qaraxaasi waxa la sheegay in uu ka soo jeedo dal ku yaalla Qaaradda Asia oo ku sugnaa gudaha Maqaayadda , balse, lama sheegin magaciisa iyo Da’diisa.

Faahfaahin kale weli kama soo bixin Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi oo ku aadan Qaraxaasi oo laga maqlay inta badan magaallada Abu Dhabi.

Qaraxaasi waxa uu ku soo beegmay, xilli Diyaaradii ugu horeysay ee laga leeyahay Israel maanta soo caga-dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Abu Dhabi.

Jugta qaraxa ayaa ahayd mid si weyn looga maqlay qaybo ka mida magaalada. Muuqaalo la soo dhigay barraha bulshada ayaa muujinaya holac xoog leh oo ka soo baxaya goobtii uu qaraxu ka dhacay iyo uuro cirka isu shareereysa.

Ma cadda waxa uu qaraxu ka dhashay iyo khasaaraha uu gaystayba, marka laga soo taggo in burbur uu ka soo gaaray dhismihii maqaaxida.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray wadooyinka soo gala maqaaxidaasi, waxaana halkaasi baaritaano ka wada ciidamada ku shaqada leh qaraxyada.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in ciriiri uu ka dhashay wadada ay xireen ciidamada ammaanka, dadka gaadiidka watana ay halkaasi ka dareemayaan mashquul xoogan.