Qarax lagu dhaawacay Madaxweyne ku xigeenka Afgaanistaan

Qarax lagu dhaawacay Madaxweyne ku xigeenka Afgaanistaan

Madaxweyne ku xigeenka dalka Afgaanistaan Amrullah Saleh ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray qarax lala eegtay kolonyo uu la socday magaalada Kapul ee caasimadda dakaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen lix qof halka dhowr kalana ay ku dhaawacmeen.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa la sheegay in uu xafiiskiisa ku sii jeeday markii lala beegsanayay qaraxa maanta oo arbaca ah.

Waxaa la arkayay Amrullah oo gacanta bidix ay faashad kaga xirantahay.