Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay shabeellada Hoose.

Wararka ka aan ka heleeno degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxn ayaa lagu soo waramaya inuu si gaar ah kaga dhacay inta u dhexeysa degmada Wanlaweyn iyo deegaanka Warmaxan, kaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay labo askari ayaa ku geeriyootay, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada sida gaar ah u tababaran ee Danab ayaa waxaa ay baaritaano ka sameeyeen degmada Wanla weyn iyo deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellada Hoose.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email