Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay degmada Ceelwaaq

Warar aanu ka heleyono ayaa sheegaya in qarax khasaaro isugu jira dhimasho geystay uu Maanta ka dhacay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,kaas oo laga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmadaas.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa la dhigay Maqaayad ku taalla degmada Cabudwaaq oo ay ku sugnaayeen Askar iyo dad Shacab ah,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen laba Ruux halka ay ku dhaawacmeen Saddex kale.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Saddexda qof ee qaraxa ku dhaawacantay la geeyay Isbitaalka degmada Ceelwaaq si halkaasi loogu daweey.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay howlgallo ka sameeyeen xaafadaha iyo wadooyinka ku dhow dhow halka uu qaraxa ka dhacay, iyada oo warar la helay ay sheegayaan in dad loo qabtay qaraxaas.

Si kastaba Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo kusoo kordhay falal amni darro, iyada oo ay ka dhaceen weeraro iyo qaraxyo ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email