Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Kismaayo iyo wararkii u dambeeyey ee Qaraxaas

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo lagula eegtay Kolonyo ciidamadamo dowladda Soomali iyo Mareekan iskugu jira deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaasii 60 KM u jira magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Kolonyada Ciidamada ee qaraxa lala eegtay ayaa waxaa la sheegay inuu soo dhex-galay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo bartilmaameedsaday ciidamadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur soo gaaray gawaarida ciidamada, walow aan is dhab ah aan loo cadey karin.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa kadib uu xigay weerar toos ah oo lagu qaaday saldhigga ciidamada dowladda iyo kuwa Jabbaland ee Janaay-Cabadalle.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay in khasaare xoogan ay ku gaarsiisay ciidanka huwanta.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo ku aadan qaraxaas is-miidaaminta ah.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa gobollada Jubbooyinka ka jiray dhaq-dhaqaaqyo milatari oo Al-Shabaab looga saarayo gobolladaasi oo ay si weyn ugu xoogan yihiin.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email