Puntland oo maxkamadeenaysa dadka diida bixinta canshuurta

Duqa Caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse ( Axmed Barre), ayaa markii u horraysay shaaciyay in ay maxkamad la tiigsan doonaan dadka bixin waaya canshuurta sannadlaha ee laga qaado guryaha.

Duqa oo su’aal laga weydiiyay sababta ay Dowladda Hoose albaabada ugala baxdo guryaha Canshuurta lagu leeyahay, ayaa sheegay in dadka ugu badan ee aan canshuurta bixin ay yihii mas’uuliyiinta dowladda ee Xasaanadda leh, sidaasi darteedna guryahooda albaabada laga saaro, maadaama iyaga aan la xirin Karin.

Mudane Axmed Barre,  ayaa tilmaamay in ay jiraan mas’uuliyiin dowladeed oo xasaanadooda kaga dhuunta Canshuurta ku waajibtay guryahooda, taasina ay tahay mid aan la aqbali Karin.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Mas’uuliyiinta aan canshuurta bixin, ay yihiin kuwa Dowladda Hoose dhaliila, kadib markii ay ku guul-darraysteen in guryahooda ay canshuurta kala baxaan, balse wixii haatan ka dambeeya maxkamad lala tiigsan doono.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email