Xildhibaanada labada Aqal oo maanta la horgeeynayo heshiiskii siyaasadeed ee doorashada

Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Furmaya – Goobjoog  News

magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan kulan ay uga doodayaan heshiiska doorashada wada gaareen dawlada dhexe, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, oo maanta la filaayo inay ansixiyaan Baarlamaanka.

Mudanayaasha golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa la gaarsiiyey farriin ogeysiis ah oo ah inay 9:00am-ka subaxnimo ee maanta ka soo wada qayb galaan kulanka oo Baarlamaanku yeelanayo, si ay uga doodaan heshiiskan doorashada, kadibna ay cod ugu qaadaan.

Heshiiska siyaasadeed ee doorashada ayaa qeexaya hab raaca doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana qodob ka mid ah uu sheegayey in la hor geeyo Baarlamaanka si ay ugu badalaan go’aan sharci ah oo tixraac rasmi ah u noqon kara geedi socodka doorashada.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email