Maxaabiista ururka Taliban oo loo wareejinayo dalka Qatar

Afghanistan ayaa dalka Qatar u wareejinaysa todobo maxaabuux oo kamid ah kuwa ay dalbadeen sii deyntooda Taliban ka hor bilowga wadahadalka u dhexeeya xukuumadda iyo kooxda Taliban.

Diplomaasiyiin reer Galbeed ah ayaa digniin siiyay ururka Taalibaan iyo dowladda Afganistaan taas oo ah in laga dhameeyo wada hadalka iyo in laga fogaado waxkasto oo keeni karo shaki iyo in heshiis la gaari waayo.

Saraakiil ka tirsan dowladda Afghanistan ayaa sheegay in maxaabiistan la sii deynayo, inkastoo dowladdu rabin in lagu dhex daayo bulshada, maadaama dalka ka geysteen dambiyo ay kamid yihiin dilka askar ajaaniib ah.

“Waxaa loo wareejinayaa Dooxa ,” ayuu yiri mas’uulkan, isagoo intaas ku daray in todobaadkan saraakiil ka tirsan dowladda ay tagi doonan dalka Qatar si loo bilaabo wadahadalka.