Wararkii ugu dambeeyey ee furitaanka shirka dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland

Wararkii ugu dambeeyey furitaanka shirka dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland

Warar lagu kalsoonaan karoo o soo baxaayo ayaa sheegaya ina manta gelinka dambe uu si rasmi ah u furmidoono shirka saddex geesoodka ah ee u dhexeeyo dowladda federaalka Somalia, Jubbaland iyo Puntland.

Kulanka oo ah mid xasaasi ayaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan is fahmiwaaga ka taagan doorashooyinka ee 2020 ilaa 2021.

Wada hadalada u dhexeeyo seddexdaan dhinac ayaa u baaqday kulankaan kii ka horeeyay shuruudo uu ku xiray Axmed Madoobe, taas oo keentay dib u dhac.

Wararka ayaa sheegaya in haatan arrintaasi laga gaaray xal horudhac, kadib markii ay xalay kulan gaar ah qaateen Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Jubbaland.

Sidoo kale waxaa tan iyo habeenkii Arbacada socday dadaallo kala duwan oo ay waday beesha caalamka oo gar-wadeen ka ah wada-hadallada dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland, si xal loo helo caqabadaha ku horgudban furmashada shirkaasi saddex geesoodka ah.

Kulankan oo ay ka maqan yihiin maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo gobolka Banaadir ayaa daba socda shirkii Dhuusamareeb 3 ee lagu go’aamiyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkan 2020 iyo kan xiga ee 2021-ka.

Lama oga waxyaabaha ka soo baxi doono shirka Muqdisho, balse waa mid si weyn isha loogu hayo, islamarkaana ay kor-joogto ka tahay beesha caalamka.

Kulanka ayaa la filayaa inuu wax badan ka badalo xaaladda dalka maadaama lagu qaadaadhigi doono arimo masiiri u ah dalka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email