Madaxda Xamaas iyo Xisbullaah oo ka wada hadalay arrimo ku saabsan Isreal iyo dalalka Carabta

Maxaa diirada lagu saaray kulanka madaxda Xamaas iyo Xisbullaah?

Hogaamiyeyaasha dhaqdhaqaaqa Xisbullaah iyo ururka Xamaas ayaa kulmay si ay uga wada xaajoodaan xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ay lahaayeen Israa’iil iyo qaar ka mid wadammada Carabta.

Hogaamiyaha ugu sarreeya Xamaas Ismail Haniya ayaa si diirran loogu soo dhawqeeyay Ain al-Helweh, oo ah xerada qaxootiga ee ay ku noolyihiin falastiniyiinta ugu badan dalkaasi Lubnaan.

Booqashadan Haniya ayaa noqoneysa booqashadii ugu horreeysay ku dhowaad muddo 30 sanno ah, waxaana markii uu imanayay Ain al-Helweh ilaalinayay xubo ka tirsan Xamaas iyo ilaalada Xerada.

Markii uu gaaray xerada waxaa ku soo dhaweeyay oo u sacaba tumayay falastiiniyiinta ku nool xerada Ain al-Helweh iyo shacabka kale oo ka yimi xerooyinka kale.

Waxa uu ammaan kala dul dhacay awoodda milatarigiisa isagoona wacad ku maray inuu khalkhal gelin doono xiriirka Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil.

Waxay ka wada xaajoodeen sidii loo hormarin lahaa siyaasadda iyo milatariga Falastiin iyo Lubnaan.

Sidoo kale, waxay ka wada hadleen sidii looga hortagi lahaa khatarkasta oo Falastiin dhibaateyn karta oo uu ka mid yahay qorshaha dib usoo celinta xiriirka Carabta iyo Israa’iil. Waa sida uu sheegay telefishinka Al-Manar.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya kaddib markii 13-kii bishii Ogoosto lagu dhawaaqay in Israa’iil iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ay ku heshiiyeen dib usoo celinta xiriirkooda.

Heshiisyadan ayaa ah kuwa la xiriira maalgashiga, dalxiiska, duulimaadyo toos ah, ammaanka, isgaarsiinta, tiknoolajiyada, tamarta, caafimaadka, dhaqanka iyo deegaanka.

Waxaa sidoo kale heshiiska mid ah in labada dhinac ay is waydaarsadaan safiirro.

Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa sheegay aqoonsiga ay Imaaraadka aqonsadeen Israa’iil inay ahayd “tallaabo geesinnimo leh “.

Ugu dambeentii Falastiiniyiinta ayaa si weyn u dhaliilay go’aanka uu Imaaraadka heshiiskaasi ku qaatay iyada oo aan xal laga gaarin colaadda kala dhexaysa Israa’iil.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email