Mareykanka oo bayaan kasoo saaray shirka u furmay Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe

Mareykanka oo Bayaan kasoo saaray Shirka u furmay Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe

Safaaradda Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya ayaa bayaan kasoo saartay shirka maanta u furmay dowladda dhexe iyo hogaamiyaasha Puntland iyo Jubbaland.

Bayaan qoraal ah oo ay soo dhigeen twitter-ka ayey ku bogaadiyeen kulanka maantay furmay, waxeyna sidoo kale ku amaaneen madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo gogoshii uu dhigay magaalada Dhuusamareeb halkaas oo qorshaha uu kasoo bilowday.

Sidoo kale safaaraddu waxey qoraalka qeybtiisa dambe ku sheegtay in Soomaaliya ay u baahan tahay in dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay dhameystiraan heshiiska ku saabsan is-afgarad.

“Mareykanka wuxuu ku faraxsan yahay in Villa Soomaaliya ay hogaamiyayaasha maamul goboleedyada isugu keento Muqdisho. Waxaan Mr. Qoorqoor uga mahad naqeynaa hogaamintiisa geedi-socodkii dhuusamareeb 3, Hogaanka ay Soomaaliya u baahan tahay. Waxaan ku dhiirigalineynaa Dowladda Dhexe iyo Maamul goboleedyada iney dhameeyaan mabaadi’da heshiis ku saabsan sal-ballaaran oo loo dhan yahay” ayaa lagu qoray barta twitter-ka safaaradda dalka Mareykanka ee Soomaaliya.

Si kastaba dowladda Mareykanka waxey muujineysaa doorka ay ku leedahay xal u helidda in Soomaaliya ka baxdo xilliga kala guurka, waxaana wali lagu heshiinin hanaanka doorashada.