Mareykanka iyo WFP oo iska kaashanaya gargaar la gaarsiinayo qoysaska ku barakacay fatahaadaha gobalk Shabeelaha hoose

Safaarada Mareykanka ee Soomaalia ayaa shaacisay in ay gargaar gaarsiinayaan iyagoo kaashanaayo WFP qoysaska ku barakacay fatahaadaha wabiga shabeele ee gobalka Shabeelaha hoose.

Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya warbixin qoraal ah ay soo dhigtay barteeda Twitterka ayaa lagu xusay in gargaar ay gaarsiinayaan labo kun oo qoys qaybna ka ah barakacayaasha fatahaadaha gobolka Shabeelaha hoose.

Fatahaadahan ayaa saameeyay ku dhawaad 650,000 qof taniyo bishii febaraayo ee sanadkan 2020, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Iyadoo saameeynta ugu badan ay ku yeelatay gobalada labada Shabeelle uu maro wabiga shabeele.

Dhanka kale fatahaadahan waxaa ku baa ba’ay dhul beereed gaaraayo 75,000 oo hektar.