Mareykanka iyo Turkiga oo ku loolamaya taageerada Ciidan ee Soomaaliya

Dawladda Marekanka ayaa dhawaan waxa ay  agab Ciidan ku wareejineysaa dawladda Soomaaliya.

Agabkan Ciidan ayaa intooda badan waxa ay yihiin gaadiid Ciidan,kuwaas oo ay adeegsan doonaan Ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Ilaa 100 gaadiid ah oo nooca ay adeegsadaan militeriga ayaa la sheegay in ay ka kooban yihiin gaadiidkan,kuwaas oo isugu jira kuwa hawlaha gurmadka deg degga ah loo adeegsado ee Amblunce-ka, kuwa qaada hubka nooca daran darooga u dhaca iyo qaar kale.

Tallaabadan ayaa waxa ay u muuqataa mid uu Mareykanku kula tartamayo dawladda Turkiga oo xiriir dhow la leh Soomaaliya.

Labada dawladood ee Turkiga iyo Mareykanka oo ka mid ah dawladaha sida gaarka ah u daneeya Soomaaliya, isla markaasina siiya taageero kala duwan, ayaa haddana waxa uu Mareykanku uu u muuqdaa mid dadaalo dhinac walba leh ku bixinaya sidii uu booska uga saari lahaa Turkiga.

Dawlada Turkiga ayaa waxaa Soomaaliya ku leedahay saldhig militeri , kuwaas oo ay tababaro ku siiso ciidamada Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email