Mareykanka iyo Faransiiska oo kaga wada hadlay arimaha Afrika iyo iskaashi dhinaca ciidamada ah

Amazon.com: USA and France Flags on Poles Sticker (American French):  Automotive

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika Jeneraal Stephen Townsend iyo taliyaha ciidamada Faransiiska General François Lecointre, ayaa ku heshiiyay dardar galinta iskaashiga ciidamada ee dhanka Afrika.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika Jeneraal Stephen Townsend ayaa yiri “Faransiiska waa saaxiibka ugu da’da weyn Mareykanka waana hogaamiyaha la dagaalanka argagixisada Afrika.

waxa uu inta ku sii daray hadalkiisa “Waxaan wadaagnaa hanjabaadda guud, walaaca labada dhinac iyo balanqaadka aan kula dagaalameyno ururada xagjirka ah ee rabshadaha wada “.

Dhanka kale taliska labada dal Maraykanka iyo Faransiiska ayaa ka wada hadlay loolanka ay dunida ugu jirto Afrika oo ay ugu horeeyaan dalalka Shiinaha iyo Ruushka.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa hoosta ka xariiqay guushii laga gaaray weerarkii Faransiiska uu hor kacayay ee lagu dilay mid kamid ah hogaamiyaasha Al Qaida, Abdelmalek Droukdal, bishii Juun.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa ka tacsiyeeyay askartii Faransiiska kaga dhimatay weerarkii Saaxil, intii lagu jiray Howlgalka Barkhane.

Ugu dambeentii waxay labada dal wada hadalkooda diirada ku saareen muhiimada ay leedahay qaarada Afrika, iyo sidii labada dal ay iskaga kaashan lahaayeen la dagaalamka ururada xagjirka ah ee ka jira qaarada.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email