Maraakiib iyo Doonyo oo maanta ku xaniban dekeda Boosaaso

Wararka na ga soo gaaraayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in xeebta Boosaaso ay ku xaniban yihiin maraakiib iyo doonyo sida xamuul ganacsi.

Maraakiib iyo Doonyo ku xaniban xeebta Boosaaso ayaa xamuul u wado ganacsato Soomaaliyeed. Iyagoona ka soo shiraacday qaar ka mid ah dalalka Carabta, gaar ahaan Cumaan iyo Imaraadiga Carabta.

Sababta ka dambeysa xayiraadooda ayaa waxaa la gu soo waramaya inay timid kadib markii maamulka dekadu ku war geliyay in ay ku hakadaan xeebta, maadaama ciid la sheegay in ay buuxisay Marinka dekeda.

Dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaa maamulkeeda gacanta ku haya Shirkadda P and O, oo ay leedahay DP World oo Imaaraadka laga leeyahay.

Shirkadda ayaa la sheegay inay dayactir iyo ballaarin ku sameyneyso dekedda, waxaana lagu dhalilayey waayihii dambe in shirkadaas aysan waxaba ka qaban dekedda, intii ay maamulkeeda gacanta ku heysay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email