Madaxweyne Waare oo la kulmay xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay xildhibaannada labada aqal ee dowlada federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa ahaa is xogwareysi la xiriira xaalada dalka iyo shirarkii wadatashiga ee u dhexeeyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliiya iyo mas’uuliyiinta dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa war bixiyay muhiimada shirarkii Samareeb iyo Muqdisho ayna ka soo baxeen go’aanada muhiimka ahaa, isagoona xildhibaannada ka codsaday meel marinta go’aanadii ka soo baxay shirarkii wadatashiga.

Ugu dambeyntii Maxamed Cabdi Waare iyo wildhibaannada ayaa iska xogwareystay muhiimadda ay leedahay dhisidda Hirshabeelada cusub, iyagoona tilmaamay inay muhiimtay wax ka qabashada arimo badan ay ugu horyso dagaal beeleedka soo noq noqday oo aan wali xal waara laga gaarin.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email