Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo wali kulamo siyaasadeed ka wado Muqdisho

Madaxweyne Siciid (Deni) oo wali kulamo Siyaasadeed la yeelanayo Madaxda Dowladda Fedralka

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa wali kalfadhiyo layeelanayo madaxda dowladda federaalka Somaaliya.

Saciid Deni ayaa saacadihii la soo dhaafay hoyga uu ka dagan yahay caasimada Muqdisho ku la kulmay xildhibaano, wasiiro ka tirsan dowladda federaalka iyo marti sharaf kale.

Madaxda uu la kulmay waxaa kamid ah Cabadirashiid Maxamed Xidig oo ka tirasn xildhibaannada Golaha Shacabka, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisalwasaare ku-xigeenkii hore xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, Wasiiru dowlaha Boostada Cabdullaahi Bile Nuur.

Kulamada ayaa looga hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan kalfadhiga u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka.

Siciid Deni ayaa horaan ula kulmay siyaasiyiin caan ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, sida Shariif Sheekh Aadan, Cali Maxamed Geedi iyo mas’uuliyiin kale.

Kulamadan ayaa ku soo beegmaya, xili shirka wada-tashiga magaaladda Muqdisho furitaankiisa lawada sugaayo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email