Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboledka Hirshabeelle oo Amray in la soo qabto dadkii ka dambeeyay dilka Shanta Macalin

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboledka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa faray guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe iyo taliyeyaasha ciidanka sida qeybta 27aad taliyaha guutada ee milateriga iyo Taliyaha qeybta booliska inay ku baxaan deegaankii saaka maleeshiyaadka hubeysnaa ku dileen macalimiinta oo hoostaga degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kadib kulan dhex maray madaxweyne kuxigeenka HirShabeelle Cali Guudlaawe, guddoomiyaha gobolka iyo taliyeyaasha ciidamada ayuu ku amray inay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka Macalimiinta si cadaaladda loo marsiiyo.

” Waxaan u tacsiyadeynayaa Ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii saaka lagu dilay deegaan ka tirsan degmada Raage Ceelle, waxaana amrayaa guddoomiyaha gobolka & taliyeyaasha ciidamada in dadka dilka geystay si deg deg ah loo soo qabto ayuu yiri” Cali Guudlaawe.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Taliyaha qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Tareedishe iyo Taliyaha qeybta booliska Col. Xasan Dhicisow iyo saraakiil kale ayaa u ambabaxay deegaankii dadka lagu dilay oo u dhaxeeya degmooyinka Raage Ceelle iyo Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email