Madaxweyne kuxigeenka Cali Daahir Ciid Galmudug oo gaaray Nairobi

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa goor dhaw gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Safarka Madaxweyne kuxigeenka ayaa daaraan ka qayb galka shirar looga hadlayo hormarinta dowlad goboleedka Galmudug oo maalmaha soo socda ka furmaya Nairobi.

Safarkan uu Cali Ciid ku tegay Nairobi ayaa ku soo aadaya, xilli uu madaxweyne Qoorqoor ku suganyahay Muqdisho, si uu uga qeyb galo shirka wadatashiga ee madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirka madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo lagu wado in uu Sabtiga ka furmo Muqdisho ayaa lagu sii amba qaadayaa wada xaajoodka arrimaha doorashooyinka dalka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email