Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray shirkii ku saabsanaan arrimaha doorashooyinka ‘sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray shirkii Doorashooyinka dalka ayaa uga mahadceliyey Kusimaha ra’iisul wasaaraha XFS, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudnaanta ay siiyeen in la sii amba-qaado dhammeystirka heshiiska doorashooyinka.

Dhankooda, Madaxda Shirka qeybta ka ahayd ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta ku dhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Xiritaanka shirka waxaa ka qayb galay Kusimaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed, madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email