Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo yeeshay kulan saacado badan qaatay

Kulan saacado badan qaatay ayaa magaalada Muqdisho ku dhexmaray madaxweynaha, Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam.

Kulanka ayaa yimid ka dib markii saacaddihii lasoo dhaafay xubnaha beesha caalamka ay xoogga saareen sidii kulanka u dhici lahaa.

Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxaa ugu muhiimsanaa sidii uu furmi lahaa shirka lagu ballansan yahay in ay yeeshaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in ay wada gaareen  isfaham hordhac ah ka gaareen arrimaha gobolka Gedo iyo sidii loo wanaajin lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland

Maanta lagu wadaa in uu furmo shir u dhexeyn doona madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland oo looga hadli doono qaabka ay noqon doonto iyo wada loo mari doono doorashada soo socoto.

Wixii war ku soo kordho kala soco Xorriya.com

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email