Madaxweyne Axmed Madoobe oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Darawiishta Jubaland ‘sawirro’

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tababar usoo xiray cutubyo katirsan ciidamada Darawiishta dowlada goboleedka Jubaland.

Ciidamadan oo si gaar ah u tababaran ayaa ka qaybqaadanaya howlgalada ka dhanka ah Alshabaab oo ay wadaan ciidamada Darawiishta Jubaland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la isku furi doono magaalooyinka xorta ah sidoo kalana ay ciidamadan qaadi doonan howlgal ka dhan ah deegaanada ay Alshabaab ku sugan yihiin.

Ciidanka tababarka loo soo xiray ayaa sidoo kale loo dhameystiray dhammaan agabyadii ay u baahnaayeen oo ay gaadiidka dagaalku ka mid yahay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email