Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo si weyn lagu soo dhaweeyey Muqdisho ‘sawirro’

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada, Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish wasiiro iyo xilidhibaanno ka tursan dowladda Soomaaliya ayaa garoonka Aadan Cade ee magaalada muqdisho kusoo dhaweey madaxweynaha dowlad goboleedka Punland Saciid Cabdullaahi Deni oo daqiiqado ka hor soo gaaray .

Sidoo kale, waxaa ka horeeyay madaxweynaha Jubalanad Axmed Maxamed Islaam oo si la mid ah soo gaaray magaalada Muqdisho.

Labada madaxweyne ayaa la kulmi doono madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo dhameystiro waxyaabihii kasoo baxay shirkii dhuusamareeb 3 oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka oo ay hore ugu heshiiyeen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email