Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo digniin adag u diray Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka ayaa digniin adag u diray Iiraan, isagoona ugu hanjabay in ay jawaab adag ka bixin doonaan weerarkasta oo ay Iiraan ku beegsato mas’uuliyiinta iyo madaxda Mareykanka.

Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray ” Iiraan waxaa laga yaabaa inay qorsheyneyso dilal ama weeraro ka dhan ah muwaadiniinta Mareykanka iyaga oo u aar gudaya dilkii Qassim Suleymaani, Weerar kasta oo Iiraan ay ku qaaddo danaha dalkeena jawaabteena kun jeer ayay ka weynaan doontaa”

Warar ay sheegeen sirdoonka Mareykanka ayaa muujinayay in Iiraan ay weeraro la damacsantahay Safiirka Mareykanka ee Koonfur Afrika Lana Marks, sida lagu sheegay wargeyska “Politico” oo ka soo baxa  Mareykanka.

Wargeeyska Politico ayaa qoray in Iiraan ay dajisay qorshe la doonayo in lagu dilo safiirka Mareykanka ee Koonfur Afrika, Waxuna wargeyska si qoto dheer ugu hadlay dilka la sheegay in lala doonayo Safiirka taasi ay Iiraan ku doneeysa in ay ugu jawaabto dilkii taliyihii ciidamada Qudus ee Iiraan, kaasi oo dhacay horaantii sanadkan.

Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Mike Pompeo ayaa shalay ku dhawaaqay in uu si dhab ah u qaadanayo wararka saxaafada sheegayaan ee ku saabsan  in Iiraan ay diyaarisay qorshe ay ku khaarajinayso danjiraha Mareykan u jooga Koonfur Afrika.

Xiisadda u dhaxeeysa labadan dale e Iiraan iyo Mareekanka ayaa sara u kacday kadib markii Trump uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee ay quwadaha waaweyn dunida ay ku heshiyeen bartamahii bishii May  sanadkii 2018, isla markaasna Mareykanka ayaa Iiraan dib ugu soo rogay cunaqabateyn adag oo dhanka dhaqaala ah, taasi oo uu Mareykanka ugu gol lahaa in Iiraan lagu qasbo in aay ka tanaa susho sii wadista farsamada quuwaddeeda nukliyeerka.

Xasrada udhaxeeya labadan dal ayaa cirka isku shareertay kadib markii weerar Mareykan cirka ah ku dilay Qaasim Suleymaani 3dii bishii Janaayo,