Madaxweyne Axmed Madoobe oo u hambalyeeyay raysal wasaaraha cusub iyo farriin uu u diray madaxda dalka

Madaxweynaha maamul gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa waxa uu u habalyeeyay raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha maamul gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay magacaabista raysal wasaaraha cusub ee uu dalku yeeshay.

Sidokale Axmed Madoobe ayaa fariin muhiim ah u diray madaxda dalka iyo shacabka isagoona ugu baaqay inay la shaqayeeyaan raysal wasaaraha cusub, si looga wada guul gaaro , hadafka fog ee la hiigsanayo.

Sidoo kale waxa uu xusay in uu rajaynayo in raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu horseedi doono qabsoomidda doorasho ku dhacda jawi deggan iyo nabad gelyo , si taasi ay u hirgashana loo baahan yahay in la garab istaago, si waajibaadkiisa uu u guto.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in uu rajaynayo in raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu horseedi doono qabsoomidda doorasho ku dhacda jawi deggan iyo nabad gelyo , si taasi ay u hirgashana loo baahan yahay in la garab istaago, si waajibaadkiisa uu u guto.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email