Madaxweynaha Jubbaland iyo guddoomiyha gobolka Banaadir oo kulan yeeshay

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish.

Kulanka ayaa waxay diirada ku saareen madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, horumaradii ugu dambeeyay ee gobolka Banaadir iyo marxalada kala guurka ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Duqa Muqdisho uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu uga qeyb ahaa shirkii wadatashiga ee dhawaan Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay heshiiska uga gaareen arrimaha doorashooyinka dalka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email