Madaxweynaha Jubbaland iyo gudoomiyaha golaha shacabka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha maamul gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa ay kulan ku yeesheen Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay hoyga gudomiye Mursal ee ku yaal madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xaalada amniga ee dalka marayo, iyo arimaha doorashooyinka.

Dhanka kale Labada Mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay huhiimada ay leedahay inay baarlamaanka Soomaliya meelmariyaan heshiiskii ay wada gaareen dowlada fedraalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email