Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Jabuuti ‘sawirro’

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdigiisa maalmahan ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Arimaha Gudaha iyo Taliyaasha ciidamada dalka Jabuuti.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray amniga iyo sidii ciidamada Hiil Walaal iyo Galmudug iskaga kaashan lahaayeen howlgalada lagaga hortagayo Alshabaab, iyo in ay dowlada Jabuuti sii xoojiso taageerada ay siiso Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa ku wehliyay Madaxweyne Qoorqoor Wasiirada Amniga iyo Arimaha Gudaha. Waxay in dowladda Jabuuti ay dhinacyo badan ka taageeri doonto maamulka Galmudug.

Dhanka kale, madaxweyne Qoorqoor ayaa kulan la qaatay gudoomiyaha dekeddaha Jabuuti oo uu kala hadlay dhismaha dekedda weyn ee magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.