Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo si weyn loogu soo dhaweeyey Djibouti ‘sawirro’

Wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa mas’uuliyiin kala duwan oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Jibuuti, danjiraha Soomaaliya ee dalkaas iyo madax ka tirsan safaadda.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa casumaad ka helay madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle, waxuuna la yeelan doona shir muhiim ah iyo is xog wareysi.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email