Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi oo kulan muhiim la qaatay madaxweynaha Jabuuti ‘sawirro’

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga madaxtooyada Jabuuti ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ oo shalay gaaray magaalada Jabuuti.

Kulankan ayaa loogaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo ammaanka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor waxaa ku wehlinayay kulankan shirkaan wasiirada Amniga, arrimaha gudaha,gaadiidka iyo masuuliyiin kale.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaadiidka, maareeyaha Guud ee dekadaha Jabuuti iyo Danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya.

Maamulka Galmudug ayaa doonaya in dowlada Jabuuti ka caawiso sidii loo dhisi lahaa dekeda Hobyo oo ay dhowaan ganacsatada Galmudug sheegeen inay dhisayaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email