Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed oo kulmay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la yeeshay gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Filish ayaa ku amaanay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni kalintii u uku lahaa heshiiskii doorashada dalka.

Saciid Deni ayaa uga mahadceliyay gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo dadweynaha Muqdisho soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdiga uu la socday.

Sido kale Siciid Deni, ayaa la kulmay sareeye guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ahna maareeyaha guud wakaalada horumarinta Soomaaliyeed.

Iyagoona kawada hadlay arimo dhowr ah ay ugu horeyso inay si wanaagsan u wada shaqeeyaan wakaalada horumarinta iyo maamulka Puntland.

Ugu dameeyntii madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanayay madaxda dowlada fedraalka Soomaaliya.