Madaxda Galmudug, Koonful Galbeed iyo Hirshabeelle oo cadeeyey mowqifkooda shirka Muqdisho

Madaxda saddexda maamul goboleed ee kala ah Koonfur Galbeed, Hirshabeell iyo GalMudug ayaa shir wadatashi ah ku yeeshay magaalada Baydhabo, ka hor inta aysan usii gudbin magaalada Muqdisho, oo ay uga qeyb gali doonaan shirka hoggaamiyeyaasha shanta maamul goboleed iyo federaalka Soomaaliya.

Shirka lagu qabtay Baydhabo, oo ay ka hadleen Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta gareen”, Maxamed Cabdi Waare iyo Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor”.

Madaxweynaha Galmudug oo marti galiyay shirkii khilaafka abuuray ee Dhuusamareeb 3 ayaa sheegay in sababta ay hadda Muqdisho u tageen ay tahay dhammeystirka wixii kasoo baxay shirkaas.

“Waxaad ogtihiin in Dhuusamareeb 3 ay ku dhammaatay go’aamo dhaxalgal ah, fakar kastoo la kala qabayna la isu tanaasulay. Doorasho xalaal ah, dhinac jirin inay kasoo baxday, waxaan sidoo kale halkaas ku caddeynay in walaalihii ka maqnaa ama walaal kasta oo talo haya inay taladiisu u furan tahay.” Ayuu yidhi.

“Dhuusamareeb 3 waxaa kasoo baxay guul, wax walba oo la jahwareeriyayna ku hareen, haddana sidaan horay u sheegnay aan u soconno dhammeystirkeeda iyo in aan dhageysanno walaalihii ka maqnaa,” ayuu yidhi Qoor Qoor.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in mar walba lagu xanto inay u dhow yihiin dowladda dhexe, “laakiin taas ayba wax fiican u arkaan”. “Annaga waxaa nala yidhaahdaa dowladda ayey wadashaqeyn dhow la leeyihiin, waan ku faaneynaa in Soomaali wadashaqeyn leedahay. Kuma faaneyno dowladda ayaan ka fognahay, waxaan ku faaneynaa inaan cid walba u dhownahay isna fahansan nahay.”

Maxamed Cabdi Waaare, oo ah madaxweynaha maamul goboleedka HirShabeelle, oo shirkii Baydhabo ka hadlay ayaa sheegay in dhinacyada aysan aad u kala fogeyn.

“Haddi iyo talo haddey joogto, saaxiibbadeen maba kala fogin, ayagaa yidhi ‘gogoshii ma la xidhin cid xidhi kartana ma jirto’, annaguna idinkama xidhine, hadda ha dhihina meel kale halloo raro”. Ayuu yidhi Waare.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis (Lafta gareen) ayaa shirka Baydhabo maanta ka dhacay ku tilmaamay mid ay si gaar ah ugu tashanayeen saddexda maamul goboleed ee kala ah Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.

“Waxa ugu horreeya ee aan ka tashaneyno waa amniga. Waad ogtihiin dhibka ay nagu hayaan kooxaha argagixisada, waxaana loo ballamay in wasiirrada amniga ee saddexda maamul goboleed ay shir noo furaan bisha October,” ayuu yidhi Lafta Gareen.