Madaxda, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo soo gaaray Muqdisho

Madaxda, Galmudug, Hirshabeelle & Koonfur Galbeed oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle & Koonfur Galbeed ayaa soo gaaray Muqdisho,kadib markii  Maanta ay ku shireen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mas’uuliuiintaan kusoo dhaweeyay madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya, waxaana warar kal hore soo baxaya ay sheegayaan inay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmi doonaan Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa in Maalinta berito  ah ay kulan kula qaatan Magaalada Muqdisho Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo kala hadli doona arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email